Madaxweynaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabiley xoghayaha guud ee qaramada midoobey

0
141

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac iyo qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalka, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Xogahaye António Guterres ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.