Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay maanta ku meel mariyeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya.
Golaha wasiiradda ayaa ku ammaanay xisaabiyaha guud inuu leeyahay khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda. Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa soo jeedisay magacaabidda xisaabiyaha guud.
Dhawaan ayay ahayd markii golaha wasiiraddu ay meel mariyeen hanti dhowaraha guud ee dalka, Abuukaate Axmed Ciise Guutaale kaasoo magacaabiddiisa ay soo jeedisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
Dhinaca kale, golaha wasiiradda ayaa meel mariyay heshiis iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar.