Ugandha oo sheegtey iney dhimi doonto tirada ciidamada ka jooga dalka somaliya

0
274

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda, Abubaker Jeje Odongo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrka ee ku sugan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shirka Wasiirada ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Kampala.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo wufuudda ka kala socota Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, safiirro iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wasiir Odongo ayaa sheegay in Uganda ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida wuxuuna ku ammaanay dowladda Soomaaliya abaabulka ciidamada si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wuxuu intaa ku daray in dufcad kale oo ka kooban 3,000 oo askari ay bilaabeen tababarkooda taas oo qayb ka ah dadaalka, si loo abuuro ciidamo XDS si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga ka dib dhimista atmis.