Madaxweynaha maamulka puntland oo dhaliiley qaabka ay dowlada u wajahdey dagaalka laascaanood

0
293

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay gabtay masuuliyadii ka saarneyd collaada ka taagan Laascaanood, taasi oo qaadatay muddo ka badan saddex bilood.

Saciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inaysan u dhaqmin kaalintii laga rabay dowlad Soomaaliyeed, islamarkaana iyada oo dhiig uu daadanayo ay rabto inay wada-hadal la furto Somaliland, oo ay u magacowday ergay gaar ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC aysan ka mid ahayn Somaliland, “qasab iyo xoog laguma maamuli karo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Deni oo garab istaag u muujinaya SSC oo iyadu dagaal kula jirta xukuumadda Somaliland.

Deni ayaa magacaabista ergayga arrimaha Somaliland oo horraantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay waqti lumis aan waxba kusoo kordhin doonin xaaladda taagan.

Ugu dambeyntiina waxa uu caddeeyay inuu maamulkiisu taageersan yahay mowqifka SSC, ayna qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee kula jiraan Somaliland, haddii buu yiri ay sii socdaan colaaduhu ayna garab weydiistaan Isimida dhaqanka ee SSC.