Gudoomiyaha gobolka banaadir oo sheegey in isticmaalka maandooriyaha uu dhibaato weyn ku hayo dhalinyarada

0
186

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxa uu sheegay in isticmaalka maan dooriyaha nuucyadiisa kala duwan uu dhibaato badan ku hayo dhallinyarada Caasimadda ku dhaqan oo ay ka mid yihiin ardayda Waxbarata.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu dagaal adag kula jiro baabi’inta iibinta iyo isticmaalka maan dooriyaha oo uu sheegay in dhibaato xooga uu ku hayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaato badan uu ardayda ku hayo isticmaalka taabuuga oo dalka dibadiisa laga keeno, isagoona sheegay in ardayda isticmaasha taabuuga iney la dagaalamaan Macalimiintooda.

Isticmaalka maan dooriyaha loo yaqaano Taabuuga ayaa si weyn waxaa u isticmaala dhalinyarada da’da yar ee isugu jira kuwa wax barta iyo kuwa aan baran intaba waxaana si caadi ah loogu iibiya inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaala Muqdisho iyo gobolada dalka.