Jabuuti oo bilowdey inay soo qabqabato dadka dhuumaaleysiga kusoo gala dalka ee aan sharciga laheyn

0
192

Dowladda Jabuuti ayaa Axaddii ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah tahriibka, ayada oo taleefishinka dowladda uu weriyey in booliska ay xireen 3,000 oo qof oo la masaafurin doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika “ay buuxiyeen” qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah, ayada oo 220,000 ay “si sharci darro ah” u yimaadeen sanadkii 2022 oo kaliya.

Jabuuti, oo dadkeeda lagu qiyaaso hal milyan, ayaa ku taalla marin tahriib oo ay maraan muhaajiriinta kasoo cararaya dagaallada iyo musiibooyinka isbeddelka cimilada ee raadinaya nolol wanaagsan.

Nuux ayaa khudbad uu ka jeediyey taleefishinka ku sheegay in Jabuuti ay go’aansatay inay qaado tallaabo lagu ilaalinayo “badqabka iyo nabad-galyada shacabkeeda” iyo inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta dalka imanaya.