Howlgalo ka dhacay degmada xarardheere oo lagu diley in ka badan 50 ka tirsan dagaalyahanada alshabab

0
357

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Koonfurta gobolka Mudug ayaa la sheegay inay howlgal qorshaysan ku dileen 60 ka tirsan Alshabaab.

Dilkan ayaa ka dambeeyay ka dib howlgal qorsheysan oo saaka ciidanku ka fuliyeen Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in Ciidamada oo ka war helay Gaari Shabaaab a u siday Hub iyo maleshiyaad hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay markii lagasoo tago dilka Shabaabka in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen Hubkii ay wateen iyo labo gaari.