Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay dood furan oo si toos ah loogu weydiinayay su’aalo kala duwan oo la xariira xaalada dalka iyo waxqabadka dowladdiisa ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimo ay ka mid ahayeen in dowladiiisa ay ka go’an tahay in dalka laga xureeyo Al-shabaab, islamarkaana ay hirgeliso qabashada doorasho qof iyo cod ah sanadka 2026-ka.
Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in dowladdiisa ay qorsheysay sidii dalka uu uga dugbi lahaa doorasho dadban oo wakiilada beelaha kusoo xulayaan Xildhibaanka, isagoona xusay in wax badan laga soo bartay sababaha ay suurtageli weyday doorasho dadweyne oo loo doorbiday mid dadban.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in wajigii koobaad ee howlgalada ka dhanka ahaa Al-shabaab in lagu guuleystay oo haatan la isugu keenay kooxda Shabaab meel dhexe oo dhameystir u baahan.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney xoogga saareyso sidii dalka looga samata bixin lahaa daruufaha kala duwan oo ay ka mid yihiin qabyo tirka Dastuurka, Deyn Cafinta, Amniga, dhaqaalaha iyo fulinta Mashaariicda lagu hormarinaayo dalka.