Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.
Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka sida; Awdal, Waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada-Dhaxe, Banaadir, Shabeellada-Hoose, Jubadda-Dhexe iyo Jubadda-Hoose.
Hay’adda ayaa waxay si adag ugu digaysaa bulshada ku nool gobollada kor ku xusan iyo Webiga hareerihiisa in ay aad uga feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidoodaba.
Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxa kale oo ay uga digtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in aysan deegaameyn ama guryo ka dhisan meelaha biyo mareenka ah si ay ugu badbaado naftooda iyo hantidooda.