Madaxweynaha kenya oo sheegey in ciidamadiisa uu somaliya kala bixi doono dhamaadka sanadka 2024

0
417

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in Dowladiisu ay bilaabi doonto in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay ka soo saarto Soomaaliya sanadka 2024-ka, si dalka uu u xasilo.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta xaaladda socdaalka bariga iyo geeska Afrika, ayuu madaxweynuhu xusay in la dhimi doono tirada ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya.

Qorshahan ayuu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in ay qeyb ka tahay in dalal kala duwan ay la shaqeeyaan Soomaaliya ka hor inta aan si buuxda ciidamada looga saarin.

Ciidamada Kenya ayaa la geeyay Soomaaliya xilligii dowladdii madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki. Muddo bil ah kadib dowladda Kenya ayaa ogolaatay inay ka hoos shaqeyso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.