Reysulwasaare Xamsa oo sameeyey magacaabis

0
343

Ra’iisul Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golihiisa wasiirrada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiirrada la magacaabay ayaa buuxinaya xilalkii ay baneeyeen, Gen. Sulub Axmed Firin, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, oo horey u ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo khilaaf kala dhaxeeyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada awgiis isaga casilay xilkiisii.