Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ergeyga cusub ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).
Catriona Laing ayaa xilka kala wareegaysa James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo lagu ammaanay hoggaamintiisa inta uu xilka hayo.
Laing oo haysta in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah, waxa ay jagooyin badan kasoo qabatay siyaasadda dawladda UK, heer qaran iyo heer caalamiba.
Waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Istaraatiijiyadda Ra’iisal Wasaaraha UK (2000-2004), Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Caddaaladda (2009-2012). iyo Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan (2006-2009).