Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka puntland oo ka hadley sharciga wax laga bedeley ee lagu murunsan yahay

0
455

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa fasiraad sharci ka bixiyay muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka maamulka Puntland.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo la hadlayay idaacaddda VOA, ayaa sheegay in dastuurka Puntland wax laga beddeli karo haddii ay timaado baahi laga marmaan ah.

Inkastoo guddoomiyuhu sidaasi sheegay, haddana wuxuu hadalkiisa sii raaciyay inay jiraan qodobo aan wax laga beddeli karin oo u baahan in loo helo afti dadweyne iyo barlamaan ku yimaada codka shacabka.

Guddoomiyaha barlamaanku wuxuu sheegay qodobada wax laga beddeli karo iyadoo aan loo marin afti dadweyne in ay yihiin, kuwa ka hadlaya arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo ay soo jeedin kara xukuumadda ama barlamaanka.

Guddoomiye Cabdirashiid wuxuu sheegay in aanay jirin welwel laga muujiyo arrintaan, isagoo sheegay in barlamaanku arrintaan uu u marayo dariiqa sharciga ah.