Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Jeyte ayaa amar ku bixiyay in Maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan in gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dowladda oo uu ka mid noqonayo hantida dowladda.
Talaabadaan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo kooxda Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaano ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle oo ay ka mid tahay deegaanka Booco oo qiyaas ahaan Baledweyne u jirta 44 KM.