Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray wargelin cusub oo ku socota Bajaajleyda iyo iskaashatoooyinka kala duwan, kaasi oo la xiriira dhaqan-gelinta go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiiradda ee Mooto Bajaajta.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhinacyadan ku wargeliyay in howsha midabeynta Mooto Bajaajta, ee looga dhigayo A iyo B ay ku eeg tahay maalinta Isniinta ee taariikhdu ku beegan tahay 15-ka May 2023-ka.
Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay wareegto kasoo baxday maamulka gobolka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono cid alaale cidii u hoggaansami weysay amaradan kasoo baxay dowladda Hoose ee Xamar.
Afhayeenka ayaa intaas kusii daray “Milkiilayaasha waxay fursad u haystan illaa inta laga gaarayo 15-ka bisha inay ku fuliyaan awaamiirta ay hore u soo saartay maamulka gobolka Banaadir ee ah in la midabeeyo Mootooyinka si ay u qaatan A iyo B, ciddii u hoggansami weyda waxaa lala tiigsan doona sharciga.”