Reysulwasaare Xamsa oo sheegey in maamulka puntland uu masuul ka yahay fashilka ku yimaada deyn cafinta

0
414

Raysal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu masuul ka yahay fashilka ku yimaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu arrimaha Puntland si adag uga hadlo, waxa uu sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin in la fashiliyo geeddiga dheer ee loosoo galay daynta cafinta.

Xamse wuxuu sheegay fashilka kaste oo ku yimaada dayn cafinta inuu masuul ka noqonayo madaxweynaha Puntland, isagoo ugu baaqay madaxweyne Deni in arrimaha dayn cafinta uusan siyaasad soo dhex galin.

Dhinaca kale, raysal wasaare Xamse oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland, ayaa caddeeyay in Dowladda federalka aysan marnaba raali ka ahaan doonin doorasho horseeda burbur ku yimaada Puntland.