Xukuumada oo sheegtey xiliga la qaadi doono iitixaanaadka shahaadiga dugsiga sare

0
285

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay sanad waliba qaado dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Imtixaanka fasalka 12-aad ee Dugsiyada sare ee dalka oo ay qaado dowladda Soomaaliya in la qaadi doono 27-ka bishaan May ee sanadkan 2023-ka.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu faray dhamaan Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda iney u diyaar garoobaan waqtiga kooban ee ka harsan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad.