Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar madaafiic ahaa oo xalay kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Xarardheere ee Koofurta gobolka Mudug, halkaasoo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga dalka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ilaa Lix hoobiye ay Shabaabku ku weerareen madaafiicda, xili dadka ay hurdeen, lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicdan.
Guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere, Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka danbeeyay weerarka.
Waxa uu tilmaamay in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa saldhigga ciidamadda, balse madaafiicda ay ku dheceen meel banaan ah oo aan cidina joogin, falalkan ayuu ku sifeeyay iney yihiin kuwo Shabaabku ay ku doonayaan iney ku muujiyaana woodooda.