Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa nuqul ka mid ah aarqadaha aqoonsiga Denjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis.
Safiir Michael Nithavrianakis ayaa badalay Safiirkii hore ee dalka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya Kate Foster, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu warqadaha aqoonsiga ka guddoomo Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona Soomaaliya.
Danjire Michael Nithavrianakis ayaa ah Diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha Dibadda oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maalgashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 ilaa 2023, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadaha UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.