Kenya oo sheegtey iney dib u furi doonto qeybo ka mid ah xuduuda ay la wadaagto somaliya

0
222

Saddex goobood oo ah xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa muddo ku dhow 12 sano, ayaa lagu wadaa in bishan dib loo furo, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Saddexda goobood oo kala ah, Bulahawa oo ka tirsan degmada Mandheera, Liboi- oo ka tirsan degmada Gaarisa, iyo Kiunga-Daresalam oo ka tirsan gobolka Lamu-ayaa la xiray sannadkii 2011-kii, xilligaasoo ay socdeen duullaanno iyo weerarro ay soo maleegeen kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa lagu wadaa in uu maanta oo isniin ah kulan la qaato dhiggiisa Soomaaliya, Maxamed Sheekh Doodishe si ay uga wada hadlaan qorshaha dib loogu furayo saddexda goobood ee xuduudaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb geli doona wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, iyo wasiika arrimaha Dibadda Kenya Alfred Mutua, iyo dhiggiisa Soomaaliya.