Warbixin ay soo saartey hay’ada UNOCHA oo lagu sheegtey in roobabkii gu’ga ee ka da’ay somaliya ay geysteen fatahaad

0
369

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xidhka gargaarka bini’aadanimo ayaa sheegtay in roobabkii gu’ga ee ka curtay Soomaaliya inay khasaare gaarsiiyeen deegaano kala duwan, sida Beledweyne oo ka tiran maamul goboleedka HirShabelle iyo Baardheere oo ka tirsan Jubaland.

Fatahaadahan ayaa sababay inay xirmaan dugsiyadii iyo goobihii caafimaadka, islamarkaana ay meesha ka baxaan xoolo kala duwan oo dadku ay dhaqan jireen, iyada oo dhaawac weyni uu soo gaadhay waddooyin kala duwan.

Warbixintan oo ay sii daayeen UNOCHA oo iskaashi la yeelatay dhinacyada kale ee ku hawlan hawlaha gargaarka bini’aadanimo, ayaa lagu sheegay in dadka ay saameeyeen fatahaaduhu inay ku qiyaasayaan illaa 460,470 oo qof, taas oo 219,000 oo qof oo ka mid ahi ay guryahooda ka carareen, halka 22 qof ay ku dhinteen illaa 17 degmo oo dalka oo dhan ah, tan iyo badhtamihii bishii March ee sannadkan.

Haddii roobabka mahiigaanka ahi ay ka sii da’aan Soomaaliya iyo buuralayda Ethiopia, dhinacyada ku hawlan gargaarka bini’aadanimo waxay ku qiyaaseen in fatahaadaha dooxyada iyo webiyadu inay saamayn karaan illaa 1.6 milyan oo qof, ayna ku barakici karaan in ka badan 600,000.

Meelaha ugu badan ee ay fatahaadahani saamaynayaan ahaa ah, deegaanada ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabelle. Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in fatahaadahani ay ka dhashaan cuduro kala duwani.