Reysulwasaaraha oo sheegey in dib loo dhigey qaadista imtixaamka dugsiga sare ee degmada beledweyne

0
117

Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dib loo dhigay qaadista Imtxaanka shahaadiga ah ee ardayda magaalada Baledweyne, sababo la xariira fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baledweyne oo ay ku barakaceen kumanaan qoys.

Raysal wasaare Xamse ayaa hadalkaan ka sheegay munaaaabad lagu shaacinaayay natiijada Macalmiintii u tartantay shaqadii Macalinimo oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Xamse ayaa sidoo kale xusay in xaalad Bani’aadanimo ay ka jirto magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana aysan suurtagal aheyn in la halkaasi lagu qabto Imtixaanka shahaadiga ah oo sanad walba xiligaan oo kale ay qaado.

Qorshaha dowladda ayaa ah in 27-ka bishan May iney Imtixaanka Fasalka 12-aad ka bilaawdo guud ahaan dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland sida ay horay usoo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.