Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay in lagu kadsoomo masuuliyiin qaar oo kooxda Al-Shabaab ku hadaf ah, kuwaasi oo dagaal culus uu uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.
Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana uusan waxba iska baddelin go’aankii hore loogu bilaabay dagaalka, sidaas darteedna ay tahay bulshada meel uga soo wada jeesato kuwa baro-bogaadada ku wada gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed waxa dhiiggaas, sharafkaas iyo maalkaas loo bixinayo yeysan ka gorgortamin, yeysan qolo kale u adeegsan baro-bogaando, oo yaa loo fahmin in qaddiyada shaqsi leeyahay ama madaxweyne leeyahay ama wasiir leeyahay, qaddiyada Qaranka Soomaaliyeed ayaa iska leh oo Khawaarij lagula diriraayo.”
Wasiir Jaamac oo hadalkaan ka sheegay khudbad uu shalay ujeedinayay ciidamo cusub oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in kuwa baro-bogaadada ku wada gulufka socda iyo Shabaab uusan wax farqi ah u dhaxeyn.