Kenya oo ciidamo soo dhigtey xuduuda ay la wadaagto somaliya

0
158

Wararka laga helayo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhigtey ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga xuduuda ay la leedahay somaliya, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay xuduuda.

Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas ay sameyn doonaan howlgallo culus si loo sugo amniga xuduuda, maadaama dhowaan dib loo furayo.

Ujeedka ay Kenya haatan ciidamada usoo dhoobtay xadka ayaa waxaa lagu sheegay in la xariirto ka hortagga ganacsiga sharci darrada ah, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa guud.

Ciidamada ayaa sidoo kale xoojin doono dadaalaada laagu xaakameeynayo ganaacsiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha dalkaasi, kadin markii xukuumadda Nairobi iyo Muqdisho ay maalmo kahor ku heshiiyeen in la’isku furo xuduudka labada waddan.

Heshiiiska ayaa dhigaya in dib loo furo xarumihii xuduudaha Ismaamuladaa Mandheera, Lamu, iyo Garisa, muddada 90-ka Maalmood ee soo socda.