Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Sharma el-Sheekh kaga qayb-galay shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).
Shir-madaxeedkan oo diiradda lagu saarayo waxqabadka cimilada iyo abaabulka maalgelinta qaybaha gaarka loo leeyahay ee kobaca cagaaran, ayaa ujeeddadiisu tahay in la dejiyo qorshe horumarineed oo waara oo Afrika oo dhan ah.
Hoggaamiyaasha ka kala socda qaarada iyo kuwa kale ayaa isugu yimid si ay isugu geeyaan kheyraadka una horseedaan horumarka mustaqbal waara.
Dhammaan madaxdii halkaas ka hadashay waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo isbeddelka cimilada ee joogtada ah iyo maalgelinta la-qabsiga iyo in si hufan looga faa’iidaysto kheyraadka.
Ku simaha madaxa dhaqaalaha ee AfDB ahna madaxweyne ku xigeenka Kevin Urama ayaa shaaca ka qaaday in Afrika ay u baahan tahay ilaa $145.5 bilyan sanadkii ilaa 2030 si loo xiro farqiga maaliyadeed ee sanadlaha ah ee cimilada.