Taliyaha ciidanka asluubta oo dib usoo celiyey ciidamo uu horey shaqada uga ceyriyey

0
145

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib ugu soo celiyay shaqadii ciidanka askar badan oo ka tirsan ciidanka asluubta.

Askartaan oo markii u horeysay aheyd 32, balse markii dambe korodhay, ayaa waxa uu hore u sheegay taliyaha inuu shaqada ciidanka uga saaray kadib markii ay ku cadaatay in ciidankaan ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib usoo celinta askartaan ku macneeyay, si loogu sameeyo dhaqan celin, kadibna ay hore kasii wataan shaqadii ay hayeen.

Saraakiisha ayuu faray in ciidanka dib loo soo celiyay ay xoogga saaran kala saaristooda, taasi oo uu sheegay in loogu go’aan qaadanayo inay kasii mid ahaadan ciidanka, gaar ahaan kuwa asluubta.