Xiisad dagaal oo weli laga dareemayo degmada walaweyn ee gobolka shabelaha hoose

0
219

Wararka naga soo gaaraya degmada wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba beeleed oo ay midi degto deegaanka deegaanada la deriska ah degmada walaweyn.

Xiisada colaadeed ayaa laga dareemaya duuleedka degmada Wanlaweyn, taasoo daba socota dagaal bilaawgii todobaadkaan ka dhacay deegaanka Yaaq bariweyne oo ay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Labadaan beeleed ayaa tiro dhowr jeer oo hore ku wada dagaalamay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Yaaq barweyne.