Madaxweynihiihore ee somaliya oo soo dhaweeyey doorashooyinka ay sameynayaan maamulka puntland

0
144

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo war kasoo saaray doorashada maamulka Puntland waxaa uu yiri:

Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda.

Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Alle waxaan uga baryayaa guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.