Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho ee ahaa A iyo B.
Maamulka ayaa Maanta u qorsheeyay in Mootooynka wada sumada A iney ka shaqeystaan, halka kuwa sumadoodu tahay B ay shaqa bilaabi doonaan berito oo Jimco ah, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere.
Talaabada A iyo B oo ay ku kala shaqeysanayaan Bajaajyada Muqdisho ayaa ka dhigan in mid walba ee A iyo B ku kala suntan tahay iney kala shaqeyn doonaan 24 saacadood, iyadoo maamulka uu sheegay in la ganaaxi doono bajaajtii la arko iyadoo shaqeyneysa maalin aan maalinkeeda aheyn lacag dhan 100 doolar.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Mooto Bajaajtii aan soo marin habraaca diiwaan gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100, isagoona sidoo kale ka digay in la arko Mooto Bajaaj iskeed u midabeysatay lambarada A iyo B hadii la qabto loo aqoonsan doono mid khatar ku ah amniga Muqdisho in laga qaadi doono talaabo sharci ah.