Shacabka puntland oo saaka u dareeray doorashooyinka golaha deegaanka

0
271

33 degmo oo katirsan Puntland ayaa saakay si nabad ah looga codeynayaa, iyadoo dadweynuhu dooranayaan wakiillada ku matalaya golayaasha degaanka ee dowladaha hoose ee Puntland.

Doorashadan oo ah mid dimuqraadi ah ayaa ah middii ugu horreysay oo degaanada Puntland ka dhacda tan iyo sanadkii 1969, waxayna dadweynuhu safaf ugu jiraan inay codkooda ku doortaan xildhibaanada matalaya.

Sida uu sheegay guddiga doorshada ee TPEC, lix urur siyaasadeed ayaa doorashadan ku tartamaya, kuwaas oo kala ah, Kaah, Mideeye, Sincad, Runcad, Mustaqbal, iyo Ifiye.

Doorashadan qof iyo codka ah ayaa waxaa ka maqan Garowe, Dangorayo iyo Godob jiraan, kuwaas oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen in doorashada laga qabto, sababa ay ku sheegeen in Deni uu doonayo inuu ku xalaalaysto qorshe muddo kororsi.

Amniga doorashada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo in ka badan 6 kun oo askari loo daad gureeyay goobaha codbixinta ka dhacayso.