Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa soo saaray dhambaal tacsi ah oo ku aaddan dhammaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Uganda ee degaanka Buulo Mareer.
Madaxweyne Uganda ayaa sheegay inay sameeyeen guddi baadhiseed (BOI), isagoo sheegay in xaqiiqadu soo bixi doonto.
Madaxweynuhu waxa uu muujiyay shaki ku saabsan sida ay Alshabaab ugu suurto gashay inay qabsadaan xerada ciidanka Kumaandooska Uganda ee Buulo Mareer.
Museveni wuxuu tilmaamay in hub ay kamid yihiin labo Taangi iyo lidka diyaaradaha aysan askarta Uganda qaarkood sidii la rabay ugu dagaalamin, taasoo uu sheegay inay keentay in ay kala cararaan, Al-shabaabna ay ka faa’ideystaan in ay jabiyaan ciidankooda.
Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen degaanka Buulo Mareer. Waxaase Alshabaab ay sheegeen inay ku dileen in ka badan 137 askari oo katirsan ATMIS.