Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed uga beegan Muqdisho.
Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan uu la beegsaday dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaabm isla-markaana qayb ka ahaa kuwii weerarka kusoo qaaday saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose.
Qoraalka kasoo baxay Africom waxaa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyay hub iyo agab kale oo Al-Shabaab ay ka soo qabsasdeen xerada ATMIS.
Ma shaacin taliska Africom ee Mareykanka khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkaasi ee ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer.
Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu sii wadi doono taageerada uu siiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagiisa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.