Golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya ayaa xalay goor dambe war saxaafadeed kasoo saaray shirkii uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo heshiis ka gaaray arrimaha doorashada.
Golaha wadatashiga waxay sheegeen inay ku heshiiyeen in doorashada soo socota lagu galo nidaamka xisbiyada siyaasadeed, sidoo kalena in la mideeyo doorashooyinka dowladda federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, inkastoo aan saxaafadda loosoo bandhigin lifaaqa doorashada ee ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka maqan heshiiskan lagu saxiisay Muqdisho.




