Madaxweynaha maamulka puntland oo ka jawaabay war-murtiyeedkii golaha wadatashiga qaranka

0
154

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntalnd, Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii bishaan lagu gaaray gudaha xarunta Villa Soomaaliya.

Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan qayb ka ahayn go’aannada soo baxay oo ay ka maqneyd xilligii la gaarayay, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dalka loo wado meel qaldan, isla-markaana ay tahay sababta ay horay ugu diideen ka qayb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Puntland ay u dhaqmeyso si madax bannaan, isla-markaana uu farayo Dastuurkeeda, sida uu ku dooday.

Saciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn uga soo horjeestay baabi’inta xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu horay ula wareegay guud ahaan shaqadii uu lahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay haddii la rabo in la xaliyo xasillooni la’aanta Soomaaliya in marka hore Somaliland ay miiska timaado oo xalka wadajir loo raadiyo.