Reysulwasaaraha oo kulan la qaatey isimada ssc

0
154

Rayaal Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Isimada dhaqanka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo maalin ka hor soo gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka Raysal wasaaraha iyo Isimada dhaqanka gobolada SSC ayaa ahaa mid looga arinsaday xaalada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Garaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa Raysal wasaare Xamse u gudbiyay aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada haysata dadka reer Laascaanood ee ka dhalatay dagaalada wali kasii socda Laascaanood, iyagoona uga mahadceliyay Raysal wasaaraaha kulanka iyo soo dhaweynta wanaagsan uu u sameeyay.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Isimadan ay kulan kan la mid ah kula qaateen gudaha Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kala hadleen xal u helista xaaladaha ka jira magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.