Taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay iney weerar ka dabatag ah ay kaga soo aar guteen dagaalamayaashii shabaab ee Jimcihii lasoo dhaafay weerarka geystay Saldhiga ciidanka ATMIS ee degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka ay weerarka ka dabataga ah ay ku dileen xubno badan oo tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay dib uga soo furteen hub kala duwan oo ay kooxda ka qaadatay Jimcihii lasoo dhaafay Saldhiga ATMIS ee degmada Buula mareer.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Warkaan kasoo baxay Taliska ATMIS ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamada ATMIS.