Ciidamo ka tirsan maamulka puntland oo gadood sameeyey

0
269

Wararka aynu ka heleyno gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Puntland, halkaas oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee ku taalla gudaha magaalada Garoowe.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa waddada gashay madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulkaasi, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada careysan oo dhex dagay bartamaha wadada oo ay ka galeen dhufeysyo xoogan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada gadoodka sameeyay ay ka tirsan yihiin ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Puntland, kuwaas oo mushaaraadka ay ka maqan yihiin dhowr bilood oo xiriir ah, taas oo keentay inay cabashadood asoo bandhigaan.