Ex Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka digey heshiiska dekeda baraawe

0
420

Maxamuud Macalin Yaxye oo ka tirsanaan jirey baarlamaanka dowlada federaalka somaliya ayaa bartiisa facebook soo dhigtey qoraal uu kaga digayo caqabadaha ka imaan karta heshiiska la sheegey in lagu dhisi doono dekeda degmada baraawe ee gobolka shabelaha hoose kaasoo ay hor boodayeen gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka somaliya Sheekh Aadan madoobe iyo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Maxamuud ayaa sheegey in heshiiska ay galeen masuuliyiintaasi uu mugdi badan ku jiro iyada oo loo baahnaa in la cadeeyo dhamaan noocyada heshiisyada ay wada galeen maamulka koonfur galbeed iyo kooxaha la sheegey inay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha dekeda baraawe.

Halkan ka aqriso qoraalk Ex Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye