Madaxweynaha dowlada federaalka oo ka qeyb galey caleemasaarka madaxweynaha turkiga

0
209

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo dhawaan dib loo doortay.

Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa kamid ahaa wafuuda 78 waddan oo lagu casuumay caleemo saarka madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan guusha ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan.