Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saaka ka dhacday deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.
Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaca ka qaaday in weli xaaladdu ay kacsan tahay, isla-markaana ay dareemayaan cabsi xoogan.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Gedo iyo Kenya oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay halkaasi.