Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.
Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo taageero ka helaya saaxiibada Caalamiga ah ay Xalay ilaa saakay howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Afmadoow in lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.