Hey’ada duulista rayidka oo ka hadley shilkii maanta ka dhacay garoonka aadan cade

0
294

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HRDS) ayaa war kasoo saartay shil diyaaradeed oo goor sii horeysay ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda Duulista ayaa sheegtay in diyaaradaas oo nooceedu ahaa E120 ay u shaqeyneysay shirkadda Halla Airlines, islamarkaana ay ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee garoonka.

Hay’adda ayaa shaacisay in shilka diyaaradan aysan jirin cid wax ku noqotay inta aan ka aheyn dhaawac yar, ayna weli socdaan baaritaan ku saabsan shilkaas maanta dhacay.

“Diyaaradda waxaa saarna 34 ruux oo isugu jira Crew & Passengers mana jirto cid wax ku noqotay inta aan ka aheen dhaawac 6ar. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay wali ku guda jirtaa baaritaanka ku saabsan shilkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay soo saari doonta warbixin dhameystiran marka la soo gaba-gabeeyo baaritaankaas.”