Reysulwasaare xamsa oo markii ugu horeysay ka hadley xiisada ka taagan gobolka hiiraan

0
312

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad loogu mahadcelinaayay guddigii ka shaqeeyay dabaal degyadii maalmaha xuriyada dalka ayaa si adag uga hadlay arrimaha amaanka, musuqa iyo khilaafaadka ka taagan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Raysal wasaaraha ayaa ka hadlay khilaafka iyo xiisada adag ee ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xisaada colaad beeleedyada kasoo cusboonaatay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in khilaafka dadka Soomaaliyeed u dhaxeeya uu yahay mid dan weyn ay ugu jirto cadawga Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in la ilaaliyo ehelnimada iyo walaalnimo dadka Soomaaliyeed, isagoona ku baaqay in deg deg loo xaliyo khilaafka ka taagan Hiiraan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in gobolka Hiiraan uu hormuud u yahay howlgalka kooxda Shabaab looga xureeyay inta badan gobolada dalka, islamarkaana loo baahan yahay in madaxda iyo shacabka gobolkaas iney ilaalsadaan sharafka iyo geesinimada ay kaga tilmaaman yihiin gobolada kale ee dalka.