Agaasimaha madaxtooyada oo sheegey in madaxweynaha uusan damacsaneyn mudo kororsi

0
272

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan u qorshaysnayn in ay muddo kordhin sameysato, taas beddelkeedna ay doonayso in la mideeyo doorashooyinka heer federal iyo heer maamul goboleed.

Agaasimaha madaxtooyada oo u warramayay laanta BBC Somali ayaa sheegay, qorshaha muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah looga dhigayo 5 sano, uu yahay qorshe loogu talo galay dowladda ka dambeysa dowladda hadda jirta.

Xuseen Sheikh Maxamuud, wuxuu sheegay Dowladda inay diyaar u tahay in ay dhegaysato cid kaste oo aragti ka qabta heshiiska qaab dhismeedka doorashooyinka, isagoo sheegay madaxweynuhu inay ka go’an tahay inuu dalka ku maamulo wadatashi iyo isqancin.

Wuxuu sheegay talooyinka kasoo baxa wadatashiga uu haatan madaxweynuhu laleeyahay madaxdii hore ee dalka, in ay kusoo dhamaan doonaan in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.