Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka hadley soo xaadiri la,aanta xubnaha golaha shacabka

0
375

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta quus ka muujiyey soo xaadirka xildhibaanada ee kulamada golaha, isagoo soo saaray hanjabaad ka dhan ah xubnaha caadeystay maqnaashaha badan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 275-ta xildhibaan ee golaha kulan kasta oo ay yeeshaan 200 mudane aysan soo xaadirin, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu sheegay in xubnahaasi aysan imaan wixii ka dambeeyey markii lasoo doortay madaxweynaha dalka, wuxuuna maanta sheegay Sheekh Aadan Madoobe in ka guddoon ahaan ay bilaabayaan isla xisaabtan dhab ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in weli aan la ganaaxin hal xildhibaan, sidii loo soo dhisay baarlamaankaan 11-aad, markii laga reebo hal maalin oo kulanka golaha laga yeeriyey magacyada xubno markaas ka maqnaa kulanka.

Wuxuu sheegay in hadii sidaan gaabiska ah ay ku sii socdaan kulamada golaha ay noqonayaan guddoon aan waajibaadkiisa gudan Karin, sidaas darteena ay ku qasban yihiin inay la yimaadaan ciqaab sababi karta inay soo xaadiraan xubnaha ka maqnaada kulamada golaha.