Alshabab oo xaley weerar kusoo qaadey xero ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta koonfur galbeed

0
204

Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa laba weerar oo ay xalay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Al-Shabaab ayaa weeraradan ku beegsatay saldhig ay ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku leeyihiin deegaanka Makuundo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weeraradaan ay barbar socdeen madaafiic lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Baydhaba, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ugu yaraan saddex madfac ayaa kusoo dhacay gudaha magaalada, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay aheyd xilli habeen ah.