Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS.
Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxa uu boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la-xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda.
Guddiyadda shalay sida gaar ah u kormeeray waxaa kamid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uu ku wehlinayay guddoomiyaha golaha Aqalka.