Xildhibaan Xaawo Sokor oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadashay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay oo ayada laga soo doortay.
Xildhibaan Xaawo ayaa farriin u dirtay madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyadoo ka codsatay in tallaabo deg deg ah uu qaado inta xaaladaan aysan sababin macaluul ama xaalado kale oo bini’aadanimo.
Xaawo Sokor ayaa ka tirsan guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka, waxayna faahfaahin ka bixisay waxa ay kala socoto arrinta ka soo korortay magaalada Baydhaba.
Waxay sheegtay in reer Baydhaba ay markii horaba wajahayeen xaalado adag, kadib markii ay iska soo daba noqdeen abaaro daran, sidoo kalena kooxda Al-Shabaab ay dadka u diiday inay beerahooda tacbadaan.