Maxaa keeney in markii ugu horeysey uu Suldaan warsame ka hadlo gobolka shabelaha hoose waxa uu ka faaiidey federaalka

0
412

Suldaan warsane aliyoow ibrow oo ka mid ah suldaanada kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose isla markaasina kamid ah hogaanka odayaasha dhaqanka koonfur galbeed ayaa markii ugu horeysay bartiisa facebooga kaga hadley gobolka shabelaha hoose waxa uu ka faaiidey waxa loogu yeero federaala.

Suldaanka ayaa waxaa uu carabka ku dhuftey dhibta ugu weyn ee heystata gobolka shabelaha hoose in ay masuul ka yihiin dadka sheeganaya iney u dhasheen koonfur galbeed iyaga oo mar walaba ka eegta danahooda gaarka islamarkaasi u qidmeeya dadka gobolka xooga ku heystey 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Sida aynu la wada socono gobolkaasi waxaa uu gacanta ugu jiraa oo awood buuxda ku leh kooxo kasoo jeeda qaar ka mid ah dowlada goboleedyada somaliya sida hirshabeele iyo galmud kuwaasi oo gacansaar la leh hadba shaqsigii hogaan u noqda maamulka koonfur galbeed.

Hadaba maxaa xiligan kusoo beegey in uu suldaanka ka hadlo faaiidada ama qaraaha uu gobolka kala kulmey federaalka isaga oo ogaa in mudo dheerba dhibkan uu soo taagnaa odayaashii dhaqanka koonfur galbeed iyo weliba odayaashii gobolka shabelaha hoose ay indha ka dateen raalina uga ahaayeen beecinta ay gobolka ku hayaan siyaasiyiinta koonfur galbeed.