Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xalay hoygiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde iyo Mudanayaasha kale labada ee kasoo jeeda deegaanada Puntland.
Kulanka dhexmaray Raysal wasaaraha iyo mudanayasha labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahayeen xal u helida xaalada ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan, magaalada Laascaanood oo mudo aad u dheer ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Xildhibaanada warbixin ka siiyay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalada ay wado Xukuumaddiisa ee ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka ka jira deegaanada Puntland.
Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaanada labada Aqal ka dalbaday iney kala shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida si loo gaaro horumarka uu dalka hiigaanaayo, iyadoo ugu dambeyn la sheegay in si wanaagsan ay isugu afgarteen Raysal wasaaraha iyo Xildhibaanada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaarahe Xamse Cabdi Barre.